DENI oo qaatay go’aan yaab leh oo wada-hadal ka galayo xuduudaha Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in uu wada-hadallo la gelayo maamulka Somaliland oo khilaaf xuduudeed kala dhexeeyo Puntland, haddii dhankooda laga helo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay wada-hadal diyaar ulaa tahay cid kasta oo Soomaaliyeed, haddii ay koonfur ahaan lahayd iyo haddii ay waqooyi ahaan lahaydba, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira.

“Hadday tahay waqooyi iyo hadday tahay Koonfur iyo Galbeed cid kasta oo diyaar u ah in lala hadlo diyaar baan u nahay in aan la hadalno” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland, si uusan uga raacin magacii xumaa ee ka raacay doorashadii Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Waxaan aad u rajaynayaa in ay aad uga fiirsato in magacii xumaa ee meela ka raacay uuna dib dambe u raacin oo ka istaagto dhex dhexaad” ayuu yiri Siciid Deni.

Waxaa kale oo uu Galmudug iyo Jubaland ugu baaqay in ay wax ka bartan doorashadii Puntland oo si xor ah loogu tartamay, isagoo uga digay in xoog wax lagu raadiyo.

Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com