29 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Deni oo tegay Badhan, lana kulmay Suldaan Siciid xilli dhaqankii P/LAND joogo Xamar

Bookmark
Bookmarked

Share

Badhan (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo kusoo gaaray degmada badhan ee gobolka Sanaag ayaa booqasho ugu tegay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiisha Ciidanka kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay inta badan odayaasha dhaqanka Puntland ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho. Isimada dhaqanka Puntland ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulamadaas ayaa si qoto dheer la iskaga xog-waraystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada ay ka yimaadeen isimadu, iyo dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Kulamadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay is-hayaan Dowladda Federaalka iyo Puntland, maadaama uu khilaafkoodu sii fogaaday. Villa Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale ula shirtay inta badan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo hadda jooga Muqdisho, waxaa kale oo ay saameysay dhaq-dhaqaaq ciidan oo uu qaylo dhaan kasoo saaray madaxweyne Saciid Deni.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Sanaag oo loo dhisay si la mid ah xarumaha kale ee Gobollada, waana qeyb ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeynta Booliska oo ay Dowladda Imaaraadku ka taageertay Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubni ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska, Taliyaha guud ee Ciidanka daraawiishta DPL, Saraakiisha Qeybta Booliska gobolka Sanaag, Maamulka Gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan iyo marti Sharaf kale.

- Advertisement -

Read more

Local News