Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay jeediyey khudbad sanadle ah, oo ku saabsanayd sanad-guurada 27-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii maamulka Puntland ayaa wuxuu eedeymo culus ugu jeediyay dowladda federaalka oo haatan si weyn isku hayaan.
Saciid Deni ayaa madaxda dowladda federaalka ku dhaliilay inay ka gaabisay dagaalkii argagixisada, isla markaana wuxuu sheegay in ay abuurtay dagaallo siyaasadeed oo ku salaysan dano, kaasi oo qeyb ka yahay dagaalkii Sanaag.
Ciidamo taabacsan Villa Somalia iyo kuwa maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dagaalamay gobolka Sanaag, oo haatan lagu daray dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari. Inkastoo Deni uu si adag uga soo horjeeday dhismaha maamulka SSC haddana xalay waa ka gaabsaday weerar toos ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxa uu si gaar ah u xusay dagaalladii ka dhacay degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo dowladda ku wiiqayso maamulka Axmed Madoobe oo dib isu doorashadiisi ay ka hortimid.
“Dowladda Federaalka inta ka weecatay waajibaadkeedii ayey dagaallo sokeeye abaabuleysaa, waxay ka shaqeyneysaa dano u qaas ah, arrintaasi waa ceeb iyo foolxumo dadkeena u soo hoyatay oo caalamka ay nooga niyad jebayaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale, Deni ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in maamullada qaar aysan weli dhab ka aheyn in deegaanadooda ay ka sifeeyaan kooxaha argagixisada, isagoo ugu baaqay inay sidaan wax ka beddelaan oo dalka cadowga laga xoreeyo.
“Waxaa nasiib darro ah, dagaallada weli socda ee dhexmaraya beelaha Soomaaliyeed oo kooxaha argagixisada ah ay abuurayaan, waxaan ka tacsiyeynayaa falalka argagixiso ee ka dhacaya guud ahaan gayiga Soomaaliyeed,” ayuu yiri Saciid Deni.
Ugu dambeyntiina, wuxuu madaxda sare ee dowladda federaalka ugu baaqay inay wax ka beddesho siyaasadda hadda ay ku socoto, isagoo ku taliyay in la joojiyo dagaallada ka socda oo ah kuwo siyaasadeed.