Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Denmark, ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda ay kasoo musaafurineyso Qaxooti Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 100 ruux.
Dowlada Denmark waxa ay sheegtay in Soomaalida ay ka musaafurineyso dalkeeda ay yihiin kuwo magangalyo doon ah, balse aysan qaadikarin mas’uuliyadooda.
Sargaal u hadlay Hay’adda Adeega Socdaalka ee dalka Denmark ayaa xaqiijiyay in Dowladu ay soo musaafurineyso Soomaalidaasi, waxa uuna tilmaamay in iminka uu socdo baaritaan lagu xaqiijinaayo Jinsiyada ama dhalasho ahaan halka ay dadkaasi kasoo jeedan si loo kala geeyo dalalka ay Baasaboorka ka heystaan.
Qaxootiga dib loogu soo celinaayo dalka ayaa waxaa ku jira qoysas aad u liita oo aan xamilikarin daadgureynta ay ku dhaqaaqi doonto Dowlada Denmark.
Denmark, ayaa ku adkeysaneysa inaanu ka laaban doonin go’aanka ay ka gaartay Soomaalida tiradooda ay kor ku xusan tahay.
Go’aanka Dowlada ayaa kusoo beegmaaya xili Hay’adda Adeegga Socdaalka ee dalka Denmark ay dajisay qorsho ah in Sharciga dalkaasi lagala laabto Soomaali dhan 1,100 waxaana la filayaa in dib loogu soo celiyo Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]