29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Desalegn oo maamulka Oromada dul dhigay amar lagu raali galinayo Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaraaha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Oromada laga doonaayo inay magdhaw ka bixiyaan dadkii lagu laayay xadka kala dhexeeya dhulka DDSI.

Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay in dadka lagu laayay dhulka Oromada ay u badnaayen dad aan qeyb ka aheyn xiisada balse loo dilay magaca Somalia oo ay wataan.

Hogaamiyaha maamulka Oromada ayuu ku wargaliyay in laga doonaayo bixinta magdhawgaasi, wixii ka danbeeya baaritaanka kiiska xasuuqa ee hadda socda.

Waxa uu Hailemariam Desalegn cadeeyay inay jiraan natiijo hordhac ah oo lasoo gaarsiiyay xafiiskiisa taa oo ku xeeran xasuuqa loo geystay Soomaalida.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in lala xisaabtami doono dadka iminka u xiran kiiska xasuuqa loo geystay Soomaalida, sababo la xiriira qaboojinta xiisada ka dhex aloosan Soomaalida iyo Oromada.

Hailemariam Desalegn, waxa uu Ganacsatada Oromada ku dhiira galiyay in maamulka ay garab kusiiyan bixinta magdhawga dadka la xasuuqay.

Geesta kale, Desalegn ayaa amaan u jeediyay maamulka DDSI ee muujiyay dhabar adeega, waxa uuna u ballanqaaday in meel lagu hubsan doono kiiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News