Xog: Madaxweyne Farmaajo oo ka fiirsanaya madaxda hay’adaha amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka fiirsanaayo shaqooyinka Madaxda Hay’adaha amaanka dalka.

Madaxweynaha ayaa arrintaan kala tashanaaya dhinacyada u qaabilsan la-talinta arrimaha amniga maadaama ay sii kordheyso amni darida ka jirta magaalada Muqdisho iyo falal aan la mahdin, oo ay ciidamada qaar qaadeen.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu arrinta Madaxda Hay’adaha amaanka sidoo kale kala tashanayaa Khubaro ku xeeldheer dhanka amaanka kuwaa oo turxanbixin doona halka ay ka tirto amni darida.

Khubarada uu Farmaajo la tashan doona ayaa waxaa ku jira kuwo xilal dhanka amniga ah kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray, iyadoo wixii ka danbeeya talada la filaayo in Madaxweynaha uu qaato go’aan cad oo dhanka amaanka ah.

Madaxda Hay’adaha amaanka ayaa lagu dhaliilay inay dayaceen amniga magaalada Muqdisho, xili ciidamada amaanka ay helaan xuquuq dhameystiran.

Dhinaca kale, Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa waxaa maalmahaan ka dhaca dilal iyo weeraro loo adeegsado gaadiidka raaxada kuwaa oo sara qaaday amni daradii ka jirtay dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com