Sacuudiga oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah TV-ga Aljazeera

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Xarunta Dhexe ee Telefeshinka Aljazeera ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Sacuudiga ay si rasmi ah u xanibtay isticmaalka Snapchat Al-Jazeera ee dalkeeda.

Maamulka Aljazeera waxa uu sheegay in dadka ku nool dalka Sacuudiga uusan u suuragali karin in Snapchat Al-Jazeera ay daawadan.

Maamulka waxa uu tilmaamay in guud ahaan dalka Sacuudiga laga xanibay in laga daawado Snapchat, sababo la xiriira xiisada Qadar kala dhexeysa xulafada Sacuudiga.

Waxaa intaa lagu daray inuu jiro qorsho lagu doonaayo in Telefeshinka Aljazeera looga mamnuuco guud ahaan hawada dalalka qeybta ka ah xulafada ee garabtaagan Sacuudiga.

Aljazeera ayaa xanibaada Snapchat u sababeyneysa muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada kuwaa oo loo arko inay lid ku ahaayen xulafada Sacuudiga.

Dhinaca kale, dowlada Sacuudiga ayaan weli ka hadal sababta ku khasabtay inay xirto Snapchat Aljazeera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com