DEYN CAFINTA: Dalalka iyo hay’adaha lacagta ugu badan ku leh Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka, Cali Shariif Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in lacag gaareysa hal bilyan oo dollar uu Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya, soddonkii sano ee lasoo dhaafayna ay ku darsameysay lacago kale oo dul saar ah.

Safiir Cali ayaa sheegay in deynta guud ee lagu leeyahay Soomaaliya ay gaareyso $4.6 bilyan oo dollar, taas oo ay ku jirto midda Mareykanka.

“Dalalka iyo hey’daha ugu badan ee lacagta nagu leh waxaa ay kala yihiin Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, hey’adda lacagta adduunka, bangiga adduunka, Paris Club iyo bangiga horumarinta Afrika”, ayuu yiri safiirka oo la hadlayay BBC Somali.

Wuxuu intaa ku daray in dalalkaas iyo hey’dahaas ay yihiin kuwa ugu badan ee lacagaha deynta ku leh Soomaaliya, laakiin ay jiraan dalal kale oo deen ku leh Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay dan ugu jirto in deymaha laga cafiyo.

“Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxay uga dhigan tahay in dalka uu deyn lagu leeyahay oo uu qaameysan yahay, waxaana ka xiran maalgashiga, shirakadaha caalamka ee doonaya in ay Soomaaliya malagashadaan ma imaan karaan waddanka”, ayuu yiri safiirka.

“Waxaa kale oo inaga xiran macaawinooyin aan heli karno oo aan xaq u yeelan karno, kuwaas oo gaaraya boqollaal milyan oo dollar, balse aan heli karno mark deynta la cafiyo”, ayuu hadalka duray.

Waxaa kale oo uu sheegay in haddii Soomaaliya laga cafiyo deymahan gaaraya $4.6 bilyan oo dollar, ay xaq u yeelaneyso in ay lacago kale soo deynsato.

Dawladda Soomaaliya waxay horey uga codsatay deyn bixiyeyaasha inay ka cafiyaan deynta ay ku leeyihiin si ay ugu suurto gasho inay hesho dhaqaale ay kula dagaasho kooxaha ka hor jeeda.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo horraantii sannadkan u warramayey wargays reer galbeed ah ayaa sheegay in miisaaniyadda xukuumadiisa aysan ku filnayn inay ku abuuraan barnaamijyada arrimaha bulshada ee aadka loogu baahan yahay si looga hor tago duufsiga dhallinyarada baagamuundada ah, ama lagu fuliyo adeegyada aasaasiga ah.

“Teennu waa miisaaniyad yar oo loogu tala galay dal ay ku nool yihiin 10 malyan oo qof. In argagixiso lala diriro waxay u baahan tahay dawlad wanaag, taas micnaheeduna waa in dadka loo qabto adeegyo, taasina lacag ayey u baahan tahay, waana sababtaas midd

Isha: BBC