Deyn cafinta kadib xujooyin culus oo horyaalla Xasan Sheekh iyo xukunkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Bisha soo aadan ee December ama Janaayo 2024 midkood dowladda Soomaaliya waxay u dabaal-degaysa in laga cafiyay deyn dhan 5.2 bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Laakiin waa dabaal-deg uu hareer yaallo culeys kale oo xoog leh oo kusoo wajahan dowladda Soomaaliya.

Markii lagu dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyo deynta waxaa dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha. Waxaa istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda.

Toddobaadkii tegay fallaartii koowaad ee cadeynta arrintaas ayaa ka timid hay’adda lacagta adduunka ee IMF. 2020-kii heshiiskii IMF iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ahaa in dalkaan Geeska Afrika la siiyo 395 Milyan oo dollar muddo saddex sano ah, iyaguna intaasi ku dhameystiraan shuruudaha ku xiran deyn cafinta sida; kordhinta dakhliga gudaha, kor u qaadista waxbarashada iyo dhimista saboolnimada.

IMF hadda waxay sheegtay in arrimahaas xoogga wax laga qabtay, dhawaana la filaayo in deynta la cafiyo. Heshiis cusub ayay markale gaareen IMF iyo dowladda Soomaaliya, waana in dowladda Soomaaliya la siiyo 100 Milyan oo dollar saddexda sano ee soo aadan 2023 illaa 2026.

Waxaa lacagtaan laga bixinaya sanduuqa taageerada dalalka aan dakhli ahaan isku filneyn. Halkan waxaa ka fahmi karnaa isbeddelka farqiga hoos u dhaca ah ee ku yimid lacagtii iyo isbeddalka cinwaankii lacagta lagu siiyay dowladda Soomaaliya.

Saddexdii sano oo hore waxay bixiyeen 390 Milyan laakiin saddexda sano ee soo socota waa 100 Milyan, tallaabadan waxaa la yiraahda isku tasho.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay canshuurta Muqdisho oo keliya. Caasimada sanadkii lacagta laga qaado wallow ay aad u badan tahay haddana inta Bangiga Dhexe ee dowladda ku dhacda waxay u dhaxeysa 250 Milyan illaa 300 Milyan oo dollar, balse dadka xogta dhaqaalaha la socda waxay sheegayaan in tiro intaasi ka badan la dhaco.

Micnuhu waa in haddii ay dowladda ka adkaato musuq-maasuqa kunka weji leh ee Muqdisho yaalla inay caasimada sanadkii ka heli karto lacag dhan 600 iyo 700 Milyan oo dollar.

Canshuurta dalku ma mideysna. Maamul goboleedyada ma rabaan in canshuurta la middeeyo.

Deyn cafinta kadib dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku filnaato, si taas loo gaaro waa in musuq-maasuqa laga adkaado, maamullada lagu qanciyo in canshuurta la mideeyo, la abuuro jawi nabadeed oo maalgashi keeni kara, kheyraadkana laga faa’iideysto oo suuq loo raadiyo.

Dhamaan arrimahaan waa xujooyin cul-culus oo horyaalla madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukunkiisa, taasi oo hadba sida loo xaliyo ay ku qeexi doonto halka uu qaranku gaari karo sanadaha soo socda.