28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xildhibaan C/SAMAD oo weeraray DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Iyadoo uu dagaal xoogan maalmahaani ka socday Deegaanka Guriceel ee gobalka Galgaduud, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanka oo cod dheer ku hadlaaya ayaa waxa uu ka digay in dagaalada ka soconaya Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, ay DF Somalia afka ka qabsato, waxa uuna sheegay in mar waliba ay suuragal tahay in dagaalka uu noqdo mid soo laalaabta.

Waxa uu DF ah ee Somalia ugu baaqay inay kaalin muuqato ay ka qaadato sidii lagu damin lahaa dagaalka ka, waxa uuna carabka ku dhuftay in deegaanka lagu dagaalamaayo aysan ka muuqan dadaal dhanka dowlada Somalia, wuxuuna cadeeyay in dowladu ay tahay mid ka gaabineysa howsheeda.

Xildhibaanka ayaa sheegay in la sameeyay dadaal badan oo ku aadan sidii ugu horeyn loo hakin lahaa xabadda laguna guuleystay arintaasi, haddana loo baahan yahay in nabadda laga wada qeyb qaato.

Sidoo kale, waxa uu Xildhibaanku sheegay in Dowladda Federaalka xiligaani looga baahan yahay inay dhexda u xirato sidii ay ku dhex gali laheyn dagaalamayaasha ku dagaalamaaya Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, islamarkaana awoodeeda nabadeed ay halkaasi isugu geyso.

Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa waxa uu amaanay Odayaashii dhaqanka ee ka tagay degmada Dhuusa Mareeb iyo kaalinta ay ka qaateen sidii ay ku damin lahaayeen rasaastii socotay, isaga oo sheegay in hadda la doonayo oo kaliya in la garab istaago Odayaashaan si nabadda loo helo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News