DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo ka heshiiyey khilaafkii ka dhaxeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa maanta heshiis rasmi ah ka gaaray khilaafkii muddooyinkii u dambeeyey ka dhexeeyey, gaar ahaan  dhanka maamulka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, kaas oo sababay in dowlad goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaaradda heer federal.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha Isgaarsiinta dowlad goboleedyada ayaa soo saaray illaa 9 qodob oo ay ku heshiiyeen, kadib wadahadallo gaar ah oo ay labada dhinac ku yeesheen gudaha magaalada Muqdisho.

Dowladda dhexe iyo maamulka goboleedyada dalka ayaa isku raacay in sharciyada la soo saarayo iyo siyaasadaha ay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) gacanta ku hayso laga talageliyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya

Sidoo kale waxay labada dhinac ku heshiiyeen in la qaybsado mashaariicda Isgaarsiinta, si meesha looga saaro in dowladda dhexe kaliya ay isku koobto mashaariicda la helo, ayada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii mashruuca is-dhexgalka Isgaarsiinta casriga ah ee gobolka Geeska Afrika (EA RDIP) looga wada faa’iideysan lahaa waddanka oo dhan.

Qododa la’isku raacay sidoo kale waxaa ka mid ah in maamul goboleedyada ay wax ka helaan tababarada shaqaalaha ee lagu qabto gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Wasaaradaha Isgaarsiinta ee maamul goboleedyada ayaa sidoo kale dowladda dhexe ka dalbaday in wax ka beddalka lagu sameynayo tanashada qodobka 10-aad ee xeerka Isgaarsiinta ee hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Somalia wax ka bedalkiisa loo maro sharciga.

Ugu dambeyn waxay labada dhinac isku raaceen in la joogteeyo kulamada, islamarkaana la xoojiyo wada shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee hay’adaha Isgaarsiinta.