DF oo 10-bil mushaarka ka haysata shaqaale ay kala soo wareegtay garoonka Hargeysa kadibna ceyrisay + Caddeymo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo ku siman 10 billood aan siin mushaharkii ay xaqa u lahaayeen shaqaale ka howl-gali jiray gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal, kuwaasi oo ay kal hore la soo wareegtay.

Sida ku cad cadeymo ay aragtay Caasimada Online, Shaqaalaha ayaa mudadaas la meer-meerinayay, ayada oo dowladda u ballan-qaaday in mushaharkooda heli doonaan marka laga baxo xayiraadihii Coronavirus, balse la ceyriyay markii dambe ayada oo aan wax xuquuq ah la siin.

Maareeyaha duulista iyo Hawada Rayidka Axmed Macalin ayaa shaqaalahan kahor intii aan la ceyrin “ku qanciyey in mushaharkooda uu ka maqnaanayo inta lagu jiro xaalada Covid-19”, oo kal hore uu ka baxay dalku.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kadib markii uu dhamaaday culeyskii Covid-19, islamarkaana la qaaday xayiraadihii ka dhashay saameynta cudurkaas oo qeyb ka aheyd duulimaadyadii la joojiyey, ayaa waxay dowladda qaaday afar tallaabo, oo aan marnaba uusan ku jirin ballan-qaadkaas, kuwaasi oo kala ahaa;

1. Waxa soo noqday diyaaradihii over flight.
2. Waxaa la furay diyaaradihii local.
3. Waxa la furay diyaaradihii International.
4. Shaqaalihii ayaa Promotion loo sameeyey oo lacagtii loo kordhiyey.

“Hadaba Axmed Macalin waa uu ka been sheegay balantii uu qaaday ee ahayd waad helaysaa mushaharkiina, waliba waxaanu ka ahaynaa caddeyn oral iyo written ahba oo aanu idinl wadaagaynaa,” ayaa lagu yiri nuqul ay Caasimada Online lasoo wadaageen shaqaalaha 10-ka bilood mushahar la’aanta ah ee la ceyriyay.

“Hadaba, waxaanu bilownay in aan cabashadayada u gudbino xildhibaanadii na-matalayey madaama isku socodkii gobolada la joojiyey, waxaanu la xidhiidhnay Wasiirka Maaliyada Federal Soomaaliya Dr.C/raxmaan Bayle, wuxuu nagu qanciyey anigaa arintaa ka hawlgalaya Mushaharkiina aad xaqa u lahaydeena waad helaysaan, markii dambena wuxuu noola yimid wax aan macquul aheyn oo ah in la helo saxiixa wasiirka Somaliland.”

Shaqaalahaan oo badankooda xiligaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda hay’adda duulista iyo rayidka ay lunsadeen ama musuq-maasuqeen mushaharkii ay xaqa u lahaayeen 10-aad bilood.

Dowladda federaalka ayaa tan iyo markii ay la wareegtay maamulka hawada si rasmi ah ula soo wareegtay shaqaalahan oo kamid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), kadib markii xukuumadda Somaliland ay shaqada uga joojisay inay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka.

Wixii ka dambeeyay intaas, dowladda ayaa shaqaalahaan kolba cudur daar u gudbineysay, ayada oo ugu dambeyntiina ka ceyrisay shaqada, ayaga oo muddo ku siman 10-billood ku leh mushaharkooda, waxayna waqti xaadirkan ka cabanayaan madaxda sarre ee wasaaradda duulista, waxayna cabashadooda u gudbiyeen madaxda sarre ee dalka.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaat Oomaar ayaa qoraal uu u diray hay’adda ku dalbaday in wax laga qabto cabashadan, hase yeeshee ma jirto cid dhageysatay, waxayna hadda cabasho kale u direen madaxweyne Farmaajo.

Haddaba waxaan idin la wadaageynaa warqadda shaqada looga eryey shaqaalahan, warqadda Oomaar iyo qoraalka cabashada ah ee ay soo saareen.