Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka Gorgor oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Maxamed Cabdiwaaxid oo ahaa Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka xooga dalka ee Gorgor ayaa maanta lagu dilay dagaal adag oo ay ciidamadu la galeen kooxda Al-Shabaab.

Allaha unaxariiste Korneylka ayaa ku dhintay dagaal ka socda deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xooga dalka iyo dagaal yahano ka tirsan Shabaab.

Geerida Korneylkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan, Abuukar Dubbe oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid sarkaalkaan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Taliye Maxamed Cabdiwahaab hoggaaminayey dagaalka iyo askar kale ay ku dhinteen Qarax haleelay gaarigii ay saarnaayeen. Alshabaab ayaa sidoo kale dagaalka looga dilay saraakiil iyo dagaalamayaal waxaana la sheegay in laga qabsaday 2 gaari kuwa kalena laga gubay.

Waxaa maalmihii u dambeeyay degaanada Shabeellada Dhexe ka socday howl-galo ay wadeen ciidamada, kaasi oo ay uga sifeynayaan kooxda Al-Shabaab deegaanada gobolkaas.

Maxamed C/waaxid ayaa ahaa sarkaal firfircoon oo dadaal badan ku bixiyey dagaalka lagula jiro Shabaab, wuxuuna si weyn uga dhex muuqday ciidanka xoogga dalka.