BEESHA Habar-gidir oo kursi ku yeelatay baarlamanka cusub ee SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Isniintii hore ka qabsoomay gobolada iyo deegaanada Somaliland, waxaana kasoo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku aadan Musharaxiinta ku guuleystay doorashadaas iyo xisbiyadooda.

Natiijada hordhaca ah ee laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in Musharax Qaasim Aadan Saleebaan Cali uu ku guuleystay inuu kamid noqdo mudaneyaasha golaha Wakiilada ee baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Qaasim Saleebaan oo kasoo baxay xisbiga Waddani ayaa kasoo jeeda jufada Fiqi Shini, beesha Ayaale Ceyr ee Habargidir.

Sida ay muujineyso natiijada hordhaca ah ee uu Qaasim ka helay gobolka Sool codadka uu kusoo baxay ayaa dhan 1922 cod.

Qaasim ayaa markii uu isu-soo taagay musharaxnimada golaha wakiilada Somaliland waxaa lagu xiray magaalada Hargeysa, ayada oo markii dambe la sii daayey, wuxuuna xiligaas xarigiisa ku eedeyay inay ka dambeeyaan madaxda xisbiga Kulmiye.

Guusha Qaasim ayaa durtaba qabsatay baraha bulshada waxaana ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo ku hambalyeeyay guusha uu kasoo hooyay doorashada golaha wakiilada ee Somaliland.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa saacadihii u dambeeyay soo saarayey natiijada hordhaca ah ee doorashooyinkii qabsoomay Isniintii, waxaana lagu soo waramayaa in isla gobolka Sool uu isagna kasoo baxay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland oo xilkaas iska casilay, kadib markii uu isku-soo taagay musharaxnimada golaha wakiilada.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa kamid ah xubnaha ku guuleystay doorashada, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah, wuxuuna helay codad dhan 4456, kana sharaxnaa xisbul xaakimka Kulmiye.