Maxay QATAR ku haysataa ninka Kenyanka ee ay xiratay?

Doha (Caasimada Online) – Waardiye Kenyan ah oo ay Qatar ku eedeysay inuu lacag ka helay “wakiil ajnabi ah” si uu been ugu dhex faafiyo dalkan ayaa xabsiga laga sii daayey, sida ay Arbacadii sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Malcolm Bidali, oo loo yaqaan Noah, ayaa qormooyin ka qoray silica haysta shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ka shaqeeya mashruucyada iyo dhismooyinka koobka kubadda cagta adduunka ee 2022 oo ay Qatar marti-gelineyso.

“Malcom hadda xabsi kuma jiro, hase yeeshee waxa uu sida muuqata Qatar ku wajahayaa eedeymo been abuur ah oo la xiriira dhaq-dhaqaaqiisa muddada fog ee sharciga ah,” waxaa sidaas bayaan ay twitter ku daabacaday ku tiri hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

“Dhammaan eedeymaha la xiriira shaqadiisa xuquuqda aadanaha waa in la laalaa,” ayey tiri.

Qatar ayaa 29-kii May sheegtay in Bidali lagu soo oogay dacwadaha “dambiyo la xiriira lacag uu ka helay wakil ajnabi ah si uu u abuuro una faafiyo warar been ah,” kadib markii la xiray horraanytii May.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee kala ah Amnesty International, Human Rights Watch, Migrant-Rights.org, FairSquare iyo Business and Human Rights Resource Centre ayaa dhammaantood ku baaqay sii-deyntiisa.

Kooxahan ayaa sheegay in Bidali “ay u muuqato in loo xiray inuu adeegsaday xuquuqda uu leeyahay inuu si nabdoon ugu ololeeyeo xuquuqda aadanaha,” waxayna intaas ku dareen inay gurigiisa ka xireen booliska sirta ah ee Qatar.

Qatar ayaa marar badan lagu eedeeyey xadgudubyo iyo silic ka dhan ah shaqaalaha dhisaya garoomada koobka kubadda cagta adduunka 2022, kuwaas oo badankood ka yimaada dalalka Asia, sida India, Pakistan, Bangladesh iyo kuwa kale.

AFP + VOA