Mareykanka oo sameeyey qirasho ku saabsan Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa qaatay mas’uuliyadda dilka illaa 23 ruux oo shacab ahaa, kuwaas oo ku geeriyooday duqeymo ay diyaaradihiisa sanadkii 2020-kii ka fuliyeen dalalka ay ka jiraan colaadaha oo ay Somalia kua mid tahay.

Qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi lagu dilay duqeymo ay ka geysteen dalalka Soonaaliya, Ciraaq, Afghanistan, Yemen iyo Nigeria.

Sidoo kale qiimeyn ay sameysay waaxda Gaashaandhigga ee wadanka Mareykanka ayey ku sheegtay in howl-gallo milatari oo ay fuliyeen sanadkii 2020-kii ay ku dileen 23 ruux oo rayid halka, 10 kalena ay dhaawacmeen.

Dadka ku dhintay duqeymahaasi ayaa kala joogay dalka Afghanistan oo lagu dilay 20 ruux, halka Soomaaliya iyo Ciraaqna lagu dilay min hal ruux, sida lagu sheegay warbixinta.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaashaandhiga Mareykanka uu Congress-ka dalkaasi ka qaatay lacag fara badan oo gaareyso illaa saddex milyan oo dollar si magdhaw loo siiyo ehellada dadka lagu dilay howl-galladaasi dhanka cirka ahaa.

Dhinaca kale urur aan dowli aheyn oo liis gaareeya dadka lagu dilo duqeymaha diyaaradeed ayaa sheegay in weerarada Mareykanka lagu khaarijiyey illaa 102 ruux oo shacab ahaa, taasoo shan mar ka badan tirada uu sheegay Aqalka Pentagon-ka ee dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro culus ka fuliyo gudaha dalka.

Si kastaba, dad badan oo Soomaali ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Drones Mareykanka ka geysteen koonfurta Soomaaliya, iyaga oo inta badan sheega in weeraradaaasi ay ku bartilmaameedsadaan saldhigyadda Al-Shabaab.