Sawirro: Ra’iisul wasaare ROOBLE oo gaaray JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ku wehlinayo socdaalkiisa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, warfaafinta, gargaarka iyo musiibooyinka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah wafdigan mas’uuliyiin ka socda hay’adaha samafalka iyo kuwa gargaarka ee Qaramada Midoobay, isla-markaana fadhigoodu yahay Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa u kuur-gali doono xaaladda magaalada oo muddooyinkii dambe ku jirtay go’doon ka dhashay daadadka fatahaada wabiga Shabelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay wajaheyso xaalad adag, kadib markii bartanka bishii May ku fatahay Wabiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday.

Magaalada oo dhan ayaa go’doon u galay fatahaadaha waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi, inkasta oo si kumeel gaar ah loo macmalay.

HirShabelle ayaa muddo bil ah la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabelle oo marar badan kusoo noq-noqotay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana xiligaan socda dadaalo lagu samato bixinayo.