Diindoor (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.
Wasiirka ayaa kooxda ku eedeeyay inay iska horkeeni heyso qabaa’illada dega deegaanada laga xoreeyay, si ay uga dhex faa’iideysato dagaalkooda.
Jaamac ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay lacago ku bixiyaan isku dirka beelaha Soomaaliyeed, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga feejignaado.
Ujeedka kooxda waxa uu sheegay inuu yahay in laga mashquulo dagaalka ku socda ee guulaha laga gaaray, si ay dowladda iyo shacabkuba u ugu mashquulaan colaadda.
“Shabaab mashuruuc waxay ka dhigteen inay lacag ku bixiyaan qabaa’iladda sidii ay isugu diri lahaayeen inta iyaga lagu mashquuli lahaa ayay rabaa in colaadda lagu mashquulo” ayuu yiri wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa si gaar ah tusaale ugu soo qaatay dagaal beeleedyada ka socda gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, isaga oo ku eedeeyay Al-Shabaab, maadaama gobolladaas lagu gaarsiiyay jab, isla-markaana looga qabsaday dhul ballaaran.
“Waxaa kamid ah meelaha aan kala kulanay dhibaatooyinkaas Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, suuragal ma’aha marka in la fahmi waayo arrintaasi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Inta badan dagaal beeleedyada ayaa soo noq-nqoda, waxaana adkaatay in xal waara loo helo, taas oo ah mushkilad weyn oo u baahanin si degdeg ah wax looga qabto.