Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday ganacsade Xuseen Raage Shiiraar oo aad looga yaqaanay koonfurta Soomaaliya.
Sida ehelka marxuumka ay Caasimada Online u sheegeen wadnaha ayaa istaagay ganacsade Xuseen Raage Shiiraar.
Marxuumka ayaa joogay gurigiisa oo ku yaalla Muqdisho markii uu caawa ku soo booday xanuun ka qabtay wadnaha, wuxuuna u geeriyooday si deg deg ah.
Meydka Ganacsade Xuseen Shiiraar ayaa caawa ku hoyanaya isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana la aasayaa berri sida ay ehelladu noo sheegeen.
Walaalkiis Careys Raage Shiiraar oo ka soo baxaya degmada Cadale ayuu ehelku noo sheegay in lala sugayo duugta marxuumka, kaas oo caawa soo gelaya Muqdisho.
Garaad Xaaji Xuseen Cagey oo ka mid ah dadka sida weyn u yaqiinay marxuumka ayaa tacsi kadib sheegay in Xuseen Shiiraar uu ahaa nin dhalinyar, dhaqaale fiican heysta, isla markaana aad u caawiya dadkiisa.
“Wuxuu ahaa ganacsade qiimo badan oo dadkiisa ka war waba, deegaanada uu ka soo jeedayna hormariyey, wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Garaad Xaaji Xuseen Cagey.
Allaha u naxariistee ganacsade Xuseen Shiiraar ayaa caan ka ahaa magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, wuxuuna ka mid ahaa ganacsatada ugu saameynta badan caasimadda dalka.