DF oo amar cusub kusoo rogtay shirkado dhowr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa maanta amar cusub kusoo rogtay shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka, oo ay qeyb ka yihiin kuwa degan hantida ma-guurtada ah ee wasaaradda.

Warqad wargelin ah oo kasoo baxday wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa waxaa lagu faray shirkadaha iyo ganacsatadaas inay iska soo diiwaan galiyaan wasaaradda.

“Dhamaan shirkadaha ka shaqeeya shidaalka, gaaska cuntada, diyaaradaha keenida, kaydinta, daabulida, kaalimaha shidaalka iyo kuwa degan dhamaan hantida ma-guurtada ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS waxaa la farayaa inay yimaadaan wasaaradda oo iska soo diiwaan-geliyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxat wasaaradda.

Yeerista wasaaradda ee shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka ayaa waxaa qeyb ka ah, ku wargelinta dhamaan waxa uu xeerkan farayo shirkadahaas, loolana socdo badqabka dadka ka shaqeynaya arrimaha shidaalka

“Sida aad la wada socotaan waxa uu dalka Soomaaliya wali ku jiraa dib-u-dhiskii dowladnimada Soomaaliya oo maalinba maalinta ka danbaysa horumar lagu tilaabsanayo sidaa awgeed ayaa waxaa jirta in Golaha Wasiirada dalka ay ansixiyeen Xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 120 30/03/2023 kaas oo ah Xeer Nidaamiyaha Dareer-hoosaadka Batroolka. Xeerkan oo tilmaamaya noocyada kala duwan oo ah habka dareer-hoosaadka Batroolka ku shaqa leedahay.”

Qoraalka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri “Ugu danbayntii waxaan idiin rajaynaynaa wada-shaqayn wacan iyo fulinta amarka wasaaradda, kaas oo aad iyo muhiim ugu ah dowladnimadda Soomaaliya.”

Warqaddan kasoo baxday wasaaradda ee amarka cusub lagu soo rogay shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka ayaa waxaa ku saxiixna agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.