26.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

DF Somalia oo bilaabeysa qorshe cusub oo la xiriira ciidamada Macawiisleyda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS, Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda qorsheyneyso in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo hadda garab siiya ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa la doonayaa in lagu dhiso hannaan rasmi ah oo lagu mideynayo kaalinta ciidamadaasi, si ay u noqdaan cudud rasmi ah oo ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay ciidamada Macawiisleyda ku leeyihiin dagaalka socda, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay khibradda dowladda Ciraaq, oo guulo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah sida Daacish iyo Al-Qaacida, iyadoo kaashaneysa ciidamo deegaan oo la mid ah Macawiisleyda. Sidaas darteed, ayuu yiri wasiirka, waxaa la doonayaa in Soomaaliya ay qaadato hab la mid ah si loo xaqiijiyo guul waarta.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in dadka deegaanka ee isu abaabulay Macawiisleyda aysan ahayn kaliya xoog dagaal, balse ay yihiin dad leh dhiiranaan iyo waddaniyad, taas oo lagu dhisi karo ciidan leh kalsoonida shacabka. Sidaas darteed, ayuu carabka ku adkeeyay in la dejiyo nidaam rasmi ah oo lagu horumarinayo tayadooda, laguna darayo adeegyada ciidanimo ee dowladda.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in ciidamada Macawiisleyda ay mudan yihiin daryeel iyo in loo helo agab iyo adeegyo dhameystiran si ay u gutaan waajibaadkooda. Wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in laga jawaabo baahiyahooda si aysan u dareemin in laga faa’iideysanayo iyaga oo aan wax damaanad ah haysan.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda gobollo badan oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah. Waxaa la og yahay in ay door muuqda ka ciyaareen horumarka laga gaaray furimaha dagaalka.

Dowladda ayaa qorsheyneysa in ay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya bulshada deegaanka si loo adkeeyo ammaanka, isla markaana loo yareeyo awoodda Al-Shabaab ay ku leedahay deegaanadaas. Macawiisleyda ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin xubin muhiim ah oo lagu xaqiijin karo guulahaasi.

Si kastaba, dib u habeynta ciidamada Macawiisleyda waxay noqon doontaa tallaabo istiraatiiji ah oo dhanka ammaanka ah, taas oo lagu doonayo in lagu mideeyo awoodda shacabka iyo dowladda, si loo gaaro nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed oo ku saleysan wada-shaqeyn dhab ah.

- Advertisement -

Read more

Local News