28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

DF Soomaaliya oo bilowday qorshe la xiriira Muqdisho oo sanado badan la sugayey

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday qorshe lagu doonayo in dib loo furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan la yeeshay guddiga u xil-saaran ka shaqeynta xal u helidda saxmadda ka jirta waddooyinka caasimadda. Guddigaan, oo ay ka mid yihiin hay’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka, ayaa wasiirka la wadaagay warbixinno la xiriira xaaladda waddooyinka iyo saameynta ay ku yeesheen bulshada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii qiimeyn dhab ah loogu sameyn lahaa waddooyinka xiran, loogana shaqeyn lahaa qorshe rasmi ah oo lagu furayo.

Wasiir Fartaag ayaa guddiga faray inay sida ugu dhaqsaha badan u guda galaan howlaha loo igmaday, iyagoo la kaashanaya hay’adaha ay khusayso, sida kuwa amniga, maamulka degmooyinka iyo laamaha gaadiidka.

Qorshahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddo sannado ah ay xirnaayeen qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo markii loo xiray arrimo la xiriira sugidda amniga guud ee caasimadda.

Inkastoo uu jiro horumar ballaaran oo xagga amniga ah, ayaa waxaa dhinaca kale magaalada Muqdisho ka taagan cariiri xagga isku socodka ah. Sababaha cariiriga keenay waa qeyb ka ah waddooyinka oo xiran.

Xilliyada ay roobka da’aan ayaa sidoo si weyn loo dareema baahida waddooyinka caasimada. Magaalo ay afar milyan oo qof ku nooshahay oo haddana 40% xiran waa culeys aan indhaha laga qarsan karin. Dadweynaha waxay waayihii tegay ku cel-celinayeen in maadaama ammaankii soo hagaagay in waddooyinka xiran xal loo helo.

- Advertisement -

Read more

Local News