DF oo caqabado dhanka isku-duwidda ah ay haysato iyo jah-wareer jira

Nidaamka cusub ee baasaboorka lagu qaadanayo ayaa Soomaalida waajib uga dhigay in ay keenaan waraaq dhalasho, kaar aqoonsi oo ay bixisay dawladda hoose iyo shahaado ka socota Waaxda Dambi Baadhista (CID) oo caddaynaysa in aan wax dambi ah loo haysan.

Laakiin iyada oo ay jirto in dawladaha hoose ee meelo badan oo dalka ka tirsan aysan shaqaynayn iyo CID-da hawsheeda oo Muqdisho ku kooban, ayaa hannaanka cusub ee baasaboorka waxaa laga yaabaa in uusan gaadhi doonin shacabka intiisa badan, u-kuurgalayaasha ayaa sdiaas leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daaha ka rogay baasaboorada cusub 22-kii December wuxuuna Soomaalida ugu baaqay inay masuuliyiinta ka soo qaataan waraaqo aqoonsi oo sax ah.

Barigii hore khasab kuma aysan ahayn shacabka in ay dukumenti kala yimaadaan dawladda hoose si ay u qaataan baasaboor, waxayna Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha hal mar wada bixin jirtay baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga.

Madaxa Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Gaafow ayaa sheegay in isbaddalka loo sameeyay danaha amniga qaranka iyo in lagu hubiyo muwadinnimada Soomaalinimo ee dadka doonaya in ay baasaboorada helaan.

“Qofkii doonaya inuu qaato baasaboorka cusub waa inuu marka hore dawladda hoose ka soo qaato waraaqad dhalasho iyo kaarka aqoonsiga qaranka markaasna uu soo maro Waaxda Dambi Baadhista qaranka,” ayuu Gaafoow  yiri. “Qofku markuu waraaqaha looga baahanyahay oo dhan soo helo wuxuu iman karaa Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha si uu u dalbado baasaboorka.”

Baasaboorka cusub iyo kaarka aqoonsiga labaduba waa elektaroonig waxaana lagu soo kordhiyay calaamado ammaan oo dheeraad ah oo ka hor istaagaya in la been abuuro, ayuu yidhi.

Jibka elektaroonigga ah wuxuu u sahlayaa baasaboorada cusub ee Soomaaliya, oo dalka gudihiisa lagu sameeyo, in si sahal ah loo baadho markii lala marayo madaarrada caalamka, siduu afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu sheegay.

Baasaboorada cusub ee la soo saaray waxay lahaan doonaan midabadii ay lahaayeen kuwii hore: buluug oo ah midka caadiga ah, casaan oo ah kan diblomaasiga iyo bunni oo la siinayo shaqaalaha dawladda federaalka.

Qiimaha lagu qaadanayo baasaboorka isma baddalin oo wali waa $83, ayuu yidhi Cusmaan. Hase ahaatee, waxaa dheeri ku ah $10.50 lagu bixinayo kaarka aqoonsiga iyo $5 oo lagu bixinayo waraaqda dhalashada.

Baasaboorada waxaa lagu bixin doonaa gobollada ay gacanta ku hayso xukuumadda Soomaaliya waxaana dawladaha hoose loo samaynayaa kayd elektaroonig ah si loo hubiyo in aysan dhicin falal been abuur ah, ayuu yidhi.

Xarun diiwaan gelin ayaa laga furay Muqdisho, halkaas oo ay muwaadiniintu ka soo qaadan karaan dukumetiyada dawladda hoose ee Muqdisho iyo sidoo kale kuwa dawladaha hoose ee gobollada kale ee dalka oo aan wali ka shaqeeynayn meelahaas.

“Waxaan qornay qiyaas ahaan 13 dhallinyaro oo farsamo-yaqaaniin ah oo u sahlaya dadka in ay helaan kaararka aqoonsiga iyo sidoo kale waraaqaha dhalashada si ay u dalbadaan baasaboorka,” ayuu yidhi Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur, oo xarunta dad qorista ka furay Muqdisho 23-kii December. “Dhammaan dukumetiyada dawladda hoose waxaa laga bixin doonaa xaruntan wixii hadda ka dambeeya.”

Nuur wuxuu muwaadiniinta oo dhan ugu baaqay in ay soo qaataan dukumetiyada sharciga ah maaddaama ay hawlo badan ugu baahan doonaan kaararka aqoonsiga.

“Haddii aad doonaysid inaad iibsatid guri ama gaadhi, inaad wax soo galisid dalka, inaad iibsato SIM kaar, inaad soo qaadato liisanka darawalnimada, ama wax la mida, waa waajib inaad haysataa kaarka aqoonsiga qaranka,” ayuu yidhi.

Caqabadaha ka jira gobollada aysan xukuumaddu ka talin

Maamulka gobolka Banaadir wuxuu dukumentiyada aqoonsiga siin doonaa dhamaan muwaadiniinta u dhashay gobollada aysan dawladdu gacanta ku hayn illaa uu xaalkoodu iska baddalayo, afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sidaas sheegay.

“Waxaan isticmaali doonnaa nidaam aan ku hubinayno macluumaadka dadka waxaanan siin doonnaa dukumentiga markaan hubino xaaladdooda,” ayuu yidhi.

Laakiin Maxamed Cabdullaahi Rooble, oo wakiil degmo ka ahaa Berbera iyo Jalalaqsi intii ay jirtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, wuxuu sheegay in ay ku adkaan doonto maamulka Banaadir inuu dukumenti siiyo dad aan ka soo jeedin caasimadda waayo qof walba waxaa aqoonsigiisa hubin kara oo kaliya masuuliyiinta maxalliga ah ee deegaankiisa.

Rooble wuxuu yidhi xukuumaddu waa inay gobollada aysan hadda maamulin xafiisyo uga furto Muqdisho si ay iyagu shaqada uga qabsadaan Muqdisho.

“Aad ayay ugu adkaan doontaa muwaadiniin aan haysan hanti iyo waqti toona in ay u safraan Muqdisho si ay u soo qaataan dukumitiyada dawladda hoose iyo baasaboorka, laakiin waa waddada kaliya ee u furan dawladda federaalka illaa iyo inta ay ka hananayso dalka oo dhan,” ayuu yidhi.

Waxaa sidoo kale ay su’aalo ka jiraan in ay CID-du awood u leeydahay in ay bixiso caddayn la isku hallayn karo oo lagu ogaanayo inuu qofku dambi galay iyo in kale, ayuu yidhi Cabdinaasir Xirsi, oo ah wariye fadhigiisu yahay Muqdisho oo wax ka qora arrimaha amniga qaranka.

“CID-du waxay ka hawl-gashaa Muqdisho oo kaliya mana laha kayd [qaran] ee macluumaadka muwaadiniinta,” ayuu yiri “Sidaas darteed, qof walba ma siin karto caddaynta dambiga.”

Masuuliyiinta CID-da waa ay ka gaabsadeen in ay faallo ka bixiyaan sida ay qorsheynayaan in ay ku hubiyaan in ay muwaadiniintu galeen dambiyo, ama sida ay adeeggan ugu fidin doonaan dalka oo dhan.

Isha: Sabahi Online