Dhageyso: Cali Khalif oo xog ka bixyey khilaafka taagan wasiirada cusub iyo qorshe uu BFS ka damacsan yahay

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Xildhibaan Cali KHaliif Galayr, ayaa ka hadlay golaha wasiirada cusub ee dhowaan lasoo dhisayo, waxaana uu ka digay inaanu baarlamanka ansixin doonin, hadddii wasiirada cusub ay ka mid noqdaan kuwii ra’iisul wasaare Saacid.

“Raiisul Wasaaraha waan wada hadalnay telefoon baan ku wada hadalnay dhowr jeerna waan is aragnay laakiin anagoo dad badan ah ayaan kala hadalnay qadiyado inaga inoo gaar ah wixii talo aan qabnayna waan siinay, Madaxwaynaha aniga ismaanaan arag ilamana tashan  sida aniga wax iigu muuqdaana labo arimood baa tixgalin mudan mida hore waa in ninkaaso PM awooda Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa awooda ay leedahay Dastuurka waxaa ku taala howlaha Fulinta Xukuumadda waxaa leh Ra’iisul Wasaaraha oo Guddoomiye u ah golaha Wasiirada, ninkaas waa run Madaxwaynaha ayaa magacaabay oo Soomaali wayn kasoo xusha oo u doortay shaqada ugu wayn ee Dastuurka ku leeyahayna waa taas marka anigu waxaan qabaa illaa mar aan Ra’iisul Wasaare u ahaa Mudane C/qasim arimaha shaqada mad madow baa galay Dastuurkuna waa qeexayaa marka waxaan leehaya waligaa ku dhaqan wuxuu Dastuurku ku farayo waana in loo daayo cidii Ra’iisul Wasaare loo magacaabo shaqadeeda, cidii tusaale ka dhiganaysa Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee waa gafayaan Dastuurka dib u heshiisiinta Howl qaybsiga ay kala leeyihiin Hay’addaha Dastuuriga ah iyo awood qaybisag Beelaha Soomaaliyeed intuba waa Tilmaamayaan hadii aan taas la tixgalina mar walba muran Joogto ah ayay ahaan” ayuu yiri Prof Cali Khaliif Galayr.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Ali Khalif ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qaabkii Xukuumadii hore Xilka looga qaaday isagoo tibaaxay ayaan daro inay tahay Wasiiro doonayo Guddoomiyahoodii in xilka laga qaado haddana dadku ay isla Wasiiradaasi leyihiin waa kuwii Xukuumada Fashiliyay.

Wuxuu xusay arinta soo celin Wasiirada Hormuudka u ahaa riditaanka Xukuumadii hore inay keeni karto Baarlamanka Soomaaliya inuu u diido codka kalsoonida golaha uu soo dhisi doono Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli Sheekh Axmed.

Ugu danbayntii wuxuu sheegay Prof Cali Khaliif Galayr marka laga soo tago Dowladii uu Hogaminayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre in Xukuumadaha Soomaaliya intooda badan Dastuuradii ay ku shaqaynayeen qeexayeen awooda labada Hay’addood.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Cali Khaliif Galayr oo uu marka hore ku billaabayo ka hadalka doorashooyinka Puntland

140102_009