DF oo ciidamo geysay jidka xiriiriya Muqdisho iyo Jasiira

Muqdisho ( Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka ciidamo Boolis oo dheeraad ah dhigtay wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo deegaan xeebeedka Jasiira ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo cusub ka sameystaan wadadaasi oo muhiim ah dadka dalxiiska uu aada xeebta Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online u jeedka ciidanka loo geeyey halkaasi ayaa ah sidii ay uga hortagi lahaayeen maleeshiyaad dhowaan ku dagaalamay halkaasi, kuwaas oo lacago baad ah ka qaadan jiray dad shacabka ah u damaashaad taga deegaankaasi.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka shaqeyn doonaan sugida amniga wadadaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay cabasho ka muujinayeen dadka rayidka ah iyo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Jasiira.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xildhibaano ka tirsan BF ay kormeer ku tageen wadadaasi iyo deegaanada ku xeeran.

Tallabadaan ayaa soo afjareysa dhibaato amni oo  in muddo ah ka taagneyd duleedka Muqdisho, gaar ahaan jidka aada deegaanka Jasiira ee gobolka Shabeelaha Hoose.