Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha qaabilsan dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay la-tashiyo ku saabsan wax ka beddelka cutubyada 10 ilaa 15 ee Dastuurka, oo ay gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya.
La-tashiyadan, oo socon doona laba maalmood, waxaa si wadajir ah u qaban-qaabiyay Hay’adda Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Guddiga Kormeerka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka.
Shirka ayaa isu keenay wakiillo ka kala socda hay’adaha dastuurka ee heer federaal, dowlad-goboleedyo iyo maamulka gobolka Banaadir, kuwaas oo ka wada tashanaya soo-jeedimaha wax ka beddelka cutubyada harsan.
Senator Siciid Cowke, Xoghayaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in lixda cutub ee ugu dambeeya lagu talo-galay in la-tashiyo wadajir ah ay yeeshaan dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu.
Hawlahan waxa daba socda kadib markii 12-kii Febraayo 2025 la soo gaba-gabeeyay latashiyadii cutubyada 5 ilaa 9, kuwaas oo sida la sheegay hadda diyaar u ah in loo gudbiyo Baarlamaanka Federaalka.
Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto shaqada dhammaadka bishan si uu u bilaabo dib-u-eegista soo-jeedimaha la diyaariyay.
Si kastaba, ansixinta afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka ayey weli taagan tahay dood, gaar ahaan cutubka 4-aad ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka, taas oo mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ka muujiyeen walaac.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo Axaddii shir ku yeeshay Villa Somalia ayaa ku kala tagay arrimaha wax ka beddelka dastuurka iyo doorashada.
Kooxda Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli isku haya cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyadoo doodda mucaaradka ay halkeeda taagan tahay, ayna dalbanayaan in laga laabto wax ka beddelka.
Mucaaradka ayaa Madaxweynaha ka dalbaday tanaasul dhab ah oo aan leex-leexad lahayn, si ay u guuleystaan wada-hadallada loona soo gaba-gabeeyo shirarkooda oo daba dheeraaday.
Inkastoo Xasan uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka, haddana weli ma jiro is-faham buuxa oo labada dhinac ah, xilli uu weli sii socdo qorshaha wax ka beddelka dastuurka.