DF oo digniin culus ka soo saartay arrimo xasaasi ah oo Somaliland ay ku kaceyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaareysay tallaabooyinka ay Somaliland ka qaaday dadkii ka hor yimid heshiiskii badda ee Muuse Biixi uu la soo galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland  isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Warkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay cabirisay saxafiyiintii iyo shacabkii ka dhiihdiyeyy damaca Itoobiya, taas oo xadgudub labaad ah.

“In la beegsado weriye iyo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka DF.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in caburinta ay Somaliland ku heyso dadkeeda ay suurta-gelineyso inay kacdo caro dadweyne oo hor leh, taas oo gaari karta heer la xakamey waayo dadka shacabka ah ee lagu xadgudbay sharaftooda.

“Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylku ku jiro ee dadka gobollada waqooyi, xoog laguma maquunin karo, lagumana af qaban karo, waxaana ay xoojinaysa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay farriin culus u dirtay hey’adaha amniga Somaliland, waxayna uga digtay inay sameeyaan ficillo ay ku dhaqan gelinayaan heshiiskii xadgudubka ahaa iyo caburin dadweyne oo sababi karta khatar hor leh.

“Hay’adaha amniga ee maamulka Somaliland waxaan uga baaqaynaa in ay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca  Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed taas oo qatar ku ah mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada waqooyi ku nool iyo guud ahaan umadnimada shacabka Soomaaliyeed,” ayey tiri DF Soomaaliya.

Ugu dambeyntii bayaan waxaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad celinaysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay dadkeena meel adag iska taagay, iskana diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya.”