Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday adeegsiga baraha bulshada ee ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo ay uga digtay inay muuqaalo ka duubaan furimaha hore ee dagaalka.
Taliska Militeriga Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay isticmaalka baraha bulshada ee sida khaldan u adeegsadaan qaar ka mid ah ciidamada ku sugan furimaha hore.
Taliyaha Guutada 27-aad ee Abuu-dajaana, Gadhaanle Saalim Cumar Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in aan loo dulqaadan doonin faafinta xogta la xiriirta dhaq-dhaqaaqa ciidanka.
Waxa uu si cad u sheegay in askari kasta oo lagu arko inuu baraha bulshada soo dhigo muuqaalada furimaha, hubka ama sawirro dagaal, lala xisaabtamayo, lana hor geynayo maxkamad.
Taliyaha ayaa arrintan ku tilmaamay mid khatar ku ah ammaanka dalka, isagoo ku eedeeyay kuwa sidaas sameeya inay si dadban ula shaqeynayaan cadowga dagaalka lagula jiro.
Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in baaritaanno horey u socday hadda la dardar-gelin doono, lana gaari doono go’aan sharci ah.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay soo ay isa soo tarayaan kororka isticmaalka baraha bulshada ee askarta, taas oo khubarada amnigu ay ka digeen waxyeelo laga yaabo inay sababto arrintaan, maadaama uu cadowga si fudud ku helayo xogta ciidanka dagaalka kula jira.