DF oo digniin u dirtay 12 Jaamacad oo qaar ku yaalla Somaliland + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liis ay ku shaacineyso 12 Jaamacadood oo ay digniin kama dambeys ah u direyso wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu faray Jaamacadahaas in guddiga ay kula soo xiriiran muddo ku siman 10-maalmood, haddii ay mudadaas ula soo xiriiri waayana ay wasaaraddu kala laaban doonto ruqsadii iyo diiwaan-gelintii ay hore u siisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Guddiga Qaran ee Tacliinta Sarre wuxuu ku wargelinayaa jaamacadaha hoos ku xusan inay Guddiga la soo xiriiraan inta ka horeysa 10/07/2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wargelinta ah ee kasoo baxay Wasaaradda.

“Guddigu wuxuu jaamacadahaan ku wargelinayaa in haddii aysan guddiga lasoo xiriirin ka hor mudada kor ku xusan in Wasaaradda waxbarashada ay kala noqon doonto Ruqsadii iyo diiwaan-galintii ay horay u siisay.”

Jaamacadaha uu guddiga digniinta u direy ayaa waxaa safka hore kaga jirtay Jaamacada Admas oo ku taala Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya iyo nidaamkeeda dowliga ah.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in Guddiga Qaran ee Tacliinta sare uu la xiriiray 12-ka jaamacadooda in ka badan 5-jeer, islamarkaana ay iska dhago tireen oo aysan kasoo jawaabin.

Ma aha markii u horeysay ee Guddiga uu digniin u diro jaamacadaha, hase yeeshe waa midii ugu cusleyd inta la ogyahay, waxaana xusid mudan in guddiga uu kal hore 20 kamid ah Jaamacadaha dalka ku wargeliyay inay soo dhameystiraan habraaca diiwaan-gelinta Jaamacadahooda, kuwaasi oo ay wasaaraddu dib u aqoonsatay.

Hoos ka eeg magacyada 11-ka Jaamacadood