Shabaab oo weerar qarsoodi ah ku qabtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland

Kudhaa (Caasimadda Online) – Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta daabacay in weerar qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab xalay ku qaaday xeebaha gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Weerarkaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayey kooxo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeyn guri ku yaalo jaziiradda Kudhaa, waxana guriga la weeraray daganaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Sida ay baahiyeen warbaahinada taageerta Al-Shabaab, waxaa kooxdaan u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan Guddoomiye ku xigeenka Kudhaa Cumar Cabdulle oo u magac dheeraa (Cumar Afloow).

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa lagu qabtay Maxamed Cali Garaar oo ahaa madaxii ugu sareeyey ciidamada Jubaland ee ku sugan Kudhaa.

Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeyn guriga mas’uuliyiintaan ayaa la sheegay inuusan qaadan waqti badan, mana jirin iska caabin sidaas ah maadaama kooxda fulisay howlgalkaan ay ahaayeen kuwa aad u hubeysan.

Kudhaa waa magaalo xeebeed ku taala koonfurta gobolka jubada hoose, waxayna magaalada Kismaayo kaga beegan tahay koonfur, waxeeyna qiyaasti u jirtaa 100Km ama 62 Mile.

Inta aanan lagu magaacaabin magaca hada ee Kudhaa waxaa la oran jiray laanta Gobta iyo Kulmis . Burburkii Soomaaliya ka hor, magaaladu waxaa ahayd meel loo dalxiis tago, waxaana xiligaa imaan jiray dadka ajanabiga ah iyo maamulka gobolka.