DF oo Turkey ka dalbatay inay fuliso heshiis ay la gashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda xil-gaarsiinta, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz oo uu ka dalbaday fulinta heshiis ay hore u kala saxiixdeen labada dal.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qaaday sidii loo dhaqan-galin lahaa heshiis iskaashi ahaa oo ay horey wasaaradda ula gashay dhiggeeda Turkiga, midaasi oo uu Safiirka ka qaadanayo door dar-dar gelin iyo fudeydin ah.

Heshiiska Is-afgaradka ah ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada, oo wax ka qabaneysa shaqo la’aanta baahsan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka, waxay wasaradda qaadanaysaa door weyn oo taageeraya dalka inuu mar kale cagihiisa ku istaago, waxaana adeegyadii u horreeyay la gaarsiiyay bulshada kuwa ugu nugul,” ayuu yiri Wasiirka oo u mahad celiyay Safiirka kulanka kadib.

Waxa uu xusay in Turkiga uu kamid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd, taasi oo uu ku bogaadiyey wasiirku.

Ugu dambeyntiina Mehmet Yılmaz ayaa asaguna dhankiisa ballan-qaaday in dowladda Turkiga ay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, islamarkaana ay qeyb ka qaadanayaan arrin kasta oo xoojineysa soo kabashada dalkeena.