25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

DF oo diiday inay Puntland ku wareejiso Jaamac (Ildab) kadib sarkaal lagu xiray Garoowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diidday in ay maamul goboleedka Puntland u gacan geliso agaasimihii hore ee Isbitaalka Qardho, Jaamac Maxamuud Cabdi. Ninkan ayaa lagu eedeeyay kufsi iyo in uu faafiyay muuqaallo anshax xumo ah oo uu ka duubay gabdho Soomaaliyeed oo ku sugan Qardho.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo war-saxaafadeed soo saaray 19-kii bihsan ayaa shaaca ka qaaday in Jaamac Cabdi Maxamuud (Ildab) in isaga oo baxsad ah laga soo qabtay dalka Rwanda.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale loo gudbiyay xabsiga qaybta baarista dambiyada Booliska ee CID, iyada oo haatan ay ku socoto baaris dheeraad ah.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa ku guulaystay in eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud lagasoo dajiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade shalay galab oo taariikhdu ahay 18/10/2025, waxaana eedaysanaha lagu wareejiyay laguna xiray xabsiga Qaybta Baarista Dambiyada Booliiska ee CID,” ayaa lagu yiri bayaanka xeer ilaaliyaha.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cusmaan Diyaano ayaa riixaya in eedaysanaha lagu maxkamadeeyo Muqdisho, balse aan loo dirin Puntland. Wararka ayaa tilmaamaya in la soo sheegayo in eedaysanaha horey loogu waayay dambiyada kiiskiisa gudaha Puntland, halkaas oo ay sidoo kale ku xiran yihiin shakhsiyaad kale oo falkan ku lug leh.

Dowladda Federaalka ayaa markii hore qorsheynaysay in eedaysanaha loo wareejiyo Puntland. Si kastaba ha ahaatee, waxaa qorshahaas laga laabtay kaddib markii magaalada Garowe lagu xiray sarkaal ka tirsan laamaha amniga Puntland oo kiiska gacanta ku hayay. Sarkaalkaas ayaa lagu eedeeyay inuu la shaqeeyay Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka, oo ka carootay xarigga sarkaalkaasi, ayaa la sheegay inay go’aansatay inaan eedaysanaha loo wareejin Puntland. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa markii dambe soo saaray bayaan uu ku xaqiijinayo in Dowladda Federaalka ay la wareegtay kiiska. Taasi oo ka dhigan in eedaysanaha hadda lagu maxkamadayn doono Muqdisho.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa maalintii Axadda sheegay in baaritaan lagu ogaaday in Jama uu ku lug lahaa falal kufsi ah, iyo sidoo kale inuu duubayay muuqaallo anshax xumo ah oo ka dhashay dhacdooyin ka dhacay Qardho uuna ku faafinayay baraha bulshada.

Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in agaasimihii hore isbitaalka guud ee Qardho uu wajihi doono maxkamadeyn, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Eedaysanaha ayaa sida ugu dhakhsaha badan loo gudbin doona Maxkamadda Awooda u leh, si uu uwajaho cadaaladda” ayaa ma kale lagu yiri warqadda.

- Advertisement -

Read more

Local News