25.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

DF Soomaaliya oo diiwan-gelinta dadweyanaha ka billaabeysa Jubaland – Sidee?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumaddiisa ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan ololaha diiwangelinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah, si loo gaarsiiyo dalka oo dhan.

Xamza ayaa sheegay in haatan inta badan dowlad goboleedyada dalka ay ka socoto diiwaangelinta, isla markaana ujeedka uu yahay in la qabto doorashada dowladaha hoose.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in hadda qorshahooda uu yahay in Jubbaland ay ka bilaabaan diiwaangelinta dadweynaha ee doorasho qof iyo codka ah, si shacabka deegaannadaasi u helaan xaqooda dastuuriga ah.

“Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna diiwaan galinta Doorasho qof iyo cod ah, si shacabkaasi xaqooda u helaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay wada-hadallo u socdaan dowladda dhexe iyo Jubbalad, kuwaas oo lagu soo jarayo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadal la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan.

Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan Dowlad-Goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah.

Weli waxaan wadahadal kula jirnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo doorashada ka hor,” ayuu yiri. “Wada-hadalka iyo is-aragyadu way sii socon doonaan.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka. Si kastaba ha ahaatee, dib-u-heshiisiinta lala gaaro Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.

- Advertisement -

Read more

Local News