Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si weyn uga hortimid tallaabada Dawladda Federaalka ee ku aadan nidaamka cusub ee e-Visa iyo qaadashada Kaarka NIRA, kadib markii uu xalay dhaqan-galkooda sii adkeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in qof aan wadan kaarka NIRA aan loo furi karin akoon Banki, taleefan lambar, lana siin karrin buugga baabuurta.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qofka wata baasaboorka dal kale aanu ahayn Soomaali, uuna lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.
“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh
Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo weerar ku qaaday madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa, wuxuuna yiri “XSM iyo xukuumaddiisu ma haystaan sharciyad ay ku dhaqan geliyaan shuruuc cusub, maadaama uu laalay sharcigii asaasiga ahaa ( Dastuurkii) heshiiska lagu ahaa”.
Juxa ayaa sidoo kale su’aal ka keenay qaadasha kaarka NIRA iyo sidoo kale arrinta nidaamka e-Visa oo ay horay uga hortimid dowlad-goboleedka Puntland.
“Arrinta kaarka macmalka ah ee #NIRA iyo E-visaha wuxuu ugu gabanayaa oo weli daba socdaa sharcigii 1962 ee #Jinsiyadda #Soomaaliga oo uu rabo inuu si raad-gadasho ah u bedelo” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamul-goboleedka Puntland.
Waxaa kale oo uu raaciyay “Qodobka 3-aad ee sharciga ayaa dhigaya ” qof kasta oo asal ahaan, af ahaan iyo caado (hiddo) ahaan ummadda Somaliyeed uga soo jeedaa waa “Somali”.

