25 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Sacuudiga oo heshiis Reer Galbeedka ka nixiyey la galay Pakistan iyo Nukliyeerkeeda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Pakistan oo hubka nukliyeerka haysata ayaa kala saxiixay heshiis is-difaac oo laba geesood ah, kaasi oo si weyn u xoojinaya iskaashi dhinaca amniga ah oo soo jiray tobanaan sano, wuxuuna yimid todobaad kaddib markii duqeymihii Israel ay ka gaysatay Qatar ay gebi ahaanba beddeleen xisaabtankii diblomaasiyadeed ee gobolka.

Xoojinta xiriirkan dhinaca difaaca ah ayaa imanaya xilli ay dalalka Khaliijka ee Carbeed ay shaki sii kordhaya ka muujinayaan isku-halleynta Mareykanka ee ah damaanad-qaade amni.

Mar la weydiiyay sarkaal sare oo Sacuudiyaan ah in Pakistan ay hadda ku qasbanaan doonto inay Sacuudiga siiso dallad nukliyeer ah, wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters: “Kani waa heshiis difaac oo dhammaystiran, kaasoo ka kooban dhammaan awoodaha militari.”

Pakistan waa dalka keliya ee Muslimiintu u badan yihiin ee haysta hubka nukliyeerka, sidoo kale waxay leedahay ciidanka ugu weyn dunida Islaamka, kaasoo ay si joogto ah u sheegta inuu diiradda saarayo la tacaalidda cadowgeeda deriska la ah ee India.

Heshiiskan wuxuu ahaa natiijadii wadahadallo soo socday sanado badan, sida uu sheegay sarkaalka Sacuudiga ah mar la weydiiyay waqtiga heshiiska la gaaray. “Kani kama jawaabayo dalal gaar ah ama dhacdooyin gaar ah, balse waa rasmiyaynta iskaashi fac-weyn oo qoto dheer oo ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu sarkaalku raaciyay.

Isku daygii Israel ee 9-kii September ee ay ku doonaysay inay ku disho hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Xamaas iyadoo duqeymo cirka ah ka gaysatay magaalada Doha, xilli ay ka wada hadlayeen soo jeedin xabbad-joojin ah oo laga hirgelinayo Gaza oo ay dhexdhexaadinayso Qatar, ayaa si weyn uga caraysiiyay dalalka Carabta.

Kahor dagaalka Gaza, boqortooyooyinka Khaliijka – oo xulufo la ah Mareykanka – waxay doonayeen inay xiriirka la dejiyaan Iran iyo Israel si ay u xalliyaan welwelka amni ee mudada dheer soo taagnaa. Sanadkii la soo dhaafay, dalka Qatar waxaa laba jeer lala beegsaday weerarro toos ah, mid ay fulisay Iran iyo mid ay fulisay Israel.

Waxaa si weyn loo aaminsan yahay in Israel ay haysato keyd hub nukliyeer ah oo aad u ballaaran, balse waxay ku dhaqantaa siyaasad aan caddayn oo ku saabsan hubkeeda nukliyeerka, iyadoo aan qiranayn ama aan dafirin inay haysato hubka noocaas ah.

Pakistan waxay horey u sheegtay in hubkeeda nukliyeerka ah uu keliya yahay mid looga hortagayo India, gantaalaheedana loo naqshadeeyay inay gaari karaan meel kasta oo dhanka bari kaga aaddan gudaha dalka India.

Dalladda nukliyeerka

Telefishinka dowladda Pakistan ayaa soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee boqortooyada, oo isku duubaya kaddib markii ay heshiiska saxiixeen. Waxaa sidoo kale goobjoog ahaa taliyaha ciidanka Pakistan, Field Marshal Asim Munir, oo loo arko qofka ugu awoodda badan dalkaas.

“Heshiisku wuxuu dhigayaa in gardarro kasta oo lagu qaado mid ka mid ah labada dal loo arki doono gardarro lagu qaaday labadoodaba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Pakistan.

Isbahaysiga tobannaan sano soo jiray ee u dhexeeya Pakistan iyo Sacuudi Carabiya – oo ah dalka ay ku yaallaan goobaha ugu barakaysan Islaamka – wuxuu salka ku hayaa caqiido ay wadaagaan, dano istiraatiijiyadeed iyo isku-tiirsanaan dhaqaale.

Pakistan waxay muddo dheer askar ku lahayd gudaha Sacuudi Carabiya, waxaana hadda lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 1,500 iyo 2,000 oo askari, kuwaasoo kaalmo dhinaca hawlgallada, farsamada iyo tababarka ah siiya militariga Sacuudiga. Taas waxaa ka mid ah gacan siinta ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ee Sacuudiga.

Sacuudi Carabiya waxay Pakistan deyn ahaan u siisay lacag dhan $3 bilyan, heshiiskaas oo la cusbooneysiiyay bishii December, si loo xoojiyo keydkeeda lacagaha qalaad.

Heshiiskan wuxuu imaanayaa xilli xasaasi ah. Siyaasadda gobolka waxaa gebi ahaanba beddelay laba sano oo gardarro Israel ah – oo ay ku jiraan dagaalkeeda Gaza iyo weerarrada ay ku qaadday dalalka deriska la ah – taasoo ay soo af-meertay weerarkii Israel ee todobaadkii hore ku qaadday magaalada Doha ee caasimadda Qatar, oo xad la leh Sacuudi Carabiya.

Asfandyar Mir, oo ah khabiir sare oo ka tirsan Xarunta Stimson (Stimson Center) ee fadhigeedu yahay Washington DC, ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid “taariikhi ah” oo u ah labada dalba.

“Pakistan waxay horey heshiisyo is-difaac ah ula lahayd Mareykanka xilligii Dagaalkii Qaboobaa, laakiin waxay burbureen 70-meeyadii. Xitaa Shiinaha, inkastoo uu jiro iskaashi difaac oo ballaaran, kama dhaxeeyo Pakistan heshiis rasmi ah oo is-difaac,” ayuu Mir u sheegay Al Jazeera.

Muhammad Faisal, oo ah cilmi-baare dhinaca amniga Koonfurta Aasiya oo ka tirsan Jaamacadda Teknolojiyadda ee Sydney (University of Technology Sydney), ayaa sheegay in heshiiskan uu tusaale u noqon karo qaabka ay Pakistan iskaashi difaac oo labo geesood ah ula yeelan karto Imaaraadka Carabta iyo Qatar, oo ah labo saaxiib oo muhiim ah oo Khaliijka ku yaal.

Heshiiskan Sacuudiga lala galay wuxuu yimid bilo kadib markii Pakistan ay isku dhac militari oo kooban la gashay India bishii May.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee India, Randhir Jaiswal, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha X Khamiistii ku sheegay in India ay ka war-hayso horumarkan, ayna daraasayn doonto saameynta uu ku yeelan karo amniga New Delhi iyo xasilloonida gobolka.

Sarkaalka sare ee Sacuudiga, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa qiray baahida loo qabo in la isku dheellitiro xiriirka kala dhexeeya Pakistan iyo India, oo iyaduna ah quwad nukliyeer ah.

“Xiriirka aan la leenahay India wuu ka xooggan yahay sidii uu weligiis ahaan jiray. Waxaan sii wadi doonnaa kobcinta xiriirkan, waxaanan ku dadaali doonnaa inaan gacan ka geysanno nabadda gobolka si kasta oo aan awoodno.”

Pakistan iyo India waxay dhex mareen saddex dagaal oo waaweyn tan iyo markii labada dal laga sameeyay gumeysigii British-ka ee India sanadkii 1947.

Kaddib markii ay labadooduba heleen hubka nukliyeerka dhammaadkii 1990-meeyadii, isku dhacyadoodu waxay noqdeen kuwo baaxaddoodu xaddidan tahay, sababtoo ah khatarta ka dhalan karta in la adeegsado awoodda nukliyeerka.

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News