Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo maanta ku soo laabtay magaalada Garowe tan iyo guuldarradii uu kala kulmay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024 ayaa durba muujiyay mucaaradad xooggan oo ka dhan ah Saciid Deni.
Xasan Abgaal ayaa ku goodiyay in haddii madaxweyne Deni uu magaalada Garoowe keeno mucaaradka dowladda federaalka, isagna uu diyaar u yahay inuu dowladda federaalka keeno Garoowe.
Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta xiriirka dhow la leh dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu shakhsiyan u hor istaagay mashaariicda horumarineed ee loogu talagalay shacabka reer Puntland.
Abgaal ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo dadaal lagu doonayo dhismaha Puntland cusub, isagoo ugu baaqay isimada dhaqanka inay isugu yimaadan shirweyne looga tashado aayaha maamulka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland ay gabi ahaanba hawlgab noqdeen, shaqaalihii iyo ciidamadiina ay muddo ka badan lix bilood la’yihiin xuquuqdoodii.
“Maanta hal xafiis dowladeed oo shaqo ka socoto Puntland kama jiro, hay’adihii dowladduna dhammaantood waa istaageen,” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaad ogtihiin mushaarooyinkii shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ugu danbaysay mudda lix bilood ka badan, oo ciidamadii waddooyinka ayey isbaarooyin dhigteen, si ay xuquuqdooda u helaan.”
Xasan Shire ayaa intaas ku daray in go’aannada siyaasadeed ee xukuumadda Deni ay sababeen go’doon dhaqaale iyo nololeed oo ku dhacay shacabka Puntland, wuxuuna ku baaqay in madaxweynaha hadda kadib lagula xisaabtamo xaaladdaas.
Si kastaba, hanjaabadda Xasan Abgaal ee inay keenayaan dowladda federaalka magaalada Garoowe ayaa u muuqata mid dowladda dhexe uga dan leedahay in mucaaradka Puntland u adeegsato qorshaha looga hortagayo in mucaaradka Villa Somalia uu isugu tago Garoowe, xilli ay dhawaan u balansan yihiin shirweyne xasaasi ah.

