Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka ayaa raali-gelin ka bixiyay hadalkii xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo uu ku sheegay in qofka wata baasaboorka dal kale aanu ahayn Soomaali.
Xasan oo ka hadlayay arrimo ku aadan horumarinta baasaboorka dalka iyo nidaamka lasoo kordhiyay ee e-Visa ayaa sheegay in qofka sita baasaboor ajnabi ah uu lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.
“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu ka raali-gelinayo dadka Soomaaliyeed ee laga saaray Soomaalinimada.
“Waa idinka raali gelinaynaa xadgudubkaas, xaqiiqduse waxay tahay waxa la isku hayo ma aha yaa Soomaali ah?, sababtoo ah dastuurka dalka iyo sharciga jinsiyada ayey ku caddahay. Qof kasta oo asal, af iyo dhaqan ku abtirsada isirka Soomaaliyeed ayaa Soomaali ah,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.
Waxa uu intaas kusii daray: “Waxa ugu wayn ee duqa dhexgeliyey in uu Laysin, Shati, Fiiso iyo Taargo ka hadlo waa in meesha dhacdhac lagu sheegay, ee si edeb leh oo aan handadaad iyo shaki gelin Soomaalinimo ku jirin dadka wax haloo warsado.”
Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran:
Ma mudna in la yiraa “kumaa tahay?” Soomaaliga heli kara in uu fasaxiisa ku qaato waddan uu dal-ku-gal lacag la’aan ah ka qaadan karo garoonka diyaaradaha ka doorbiday in uu dalkiisii Hooyo ku bixiyo waqtigii iyo qarashkii uu dal shisheeye ku bixin lahaa.
Waa idinka raali gelinaynaa xadgudubkaas, xaqiiqduse waxay tahay waxa la isku hayo ma aha yaa Soomaali ah?, sababtoo ah dastuurka dalka iyo sharciga jinsiyada ayey ku caddahay.
“Qof kasta oo asal, af iyo dhaqan ku abtirsada isirka Soomaaliyeed ayaa Soomaali ah”.
Ee waxaa la isku hayaa waa $64-ka doolar cidda ay u dhacayso. Markii horeba $60 waa la qaadi jiray, laakiin garoon kasta Haragysa, Garoowe iyo Muqdisho maamulka jooga ayaa qaadi jiray. Waxa dheeraadka ah waa in Muqdisho doonayso in ay $60-kii oo $4 lagu daray kaligeed qaadato.
Muqdisho waxay haystaa awoodda sharci (De jure), halka maamullada kalana ay hastaan awoodda ka talin (De facto).
Taas ayaana qasbaysa in qoondaynta, qaybinta, iyo dhaqangelinta awoodda, dakhliga iyo khayraadka dabiiciga ah laga wada xaajoodo.
Waxa ugu wayn ee duqa dhexgeliyey in uu Laysin, Shati, Fiiso iyo Taargo ka hadlo waa in meesha dhacdhac lagu sheegay, ee si edeb leh oo aan handadaad iyo shaki gelin Soomaalinimo ku jirin dadka wax haloo warsado.
Haddaba, si aan dadka labo lacag looga qaadinn, waa in deegannada aysan dowladda federaalka ah ka talin lagala xaajoodo qaybsiga dakhliga fiisaha ka soo xarooda.

