Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay dhaqan-galka go’aan si weyn u saameynaya bulshada Soomaaliyeed, kaasi oo shardi ka dhigaya qaadashada kaarka aqoonsiga ee NIRA.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.
“Cidii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Go’aankan oo dhaqan-galkiisa ay dhowr jeer dib u dhigtay dowladdu ayaa haatan si rasmi ah u dhaqan-galaya, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaal qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.
Puntland iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale ayaa ka horyimid barnaamijkan ay waddo dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay Muqdisho inay awoodda isku koobayso iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha aqoonsiga.
Dhinacyadan ayaa waxay ku doodeen in NIRA ay ka tallaabsanayso hay’adaha heer gobol ayna wiiqayso nidaamka federaalka.
Loollankan siyaasadeed ee jira, dowladda federaalku waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijka aqoonsigu yahay mid aan siyaasad ku dhisnayn oo looga gol leeyahay in lagu casriyeeyo hab-maamulka dalka.
Inkastoo hoggaanka NIRA uu beeniyay eedeymaha sheegaya in nidaamka aqoonsigu uu xiriir la leeyahay doorashooyinka soo socda, haddana ujeedka u weyn ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyo in si siman loo helo adeegyada dowladda.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in bilaha soo aadan ay lacag ka dhigto kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA, kaas oo haatan lagu xirayo adeegyo badan oo dowli ah.

