25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay ciidamadii dib u xoreyn lahaa Aadan Yabaal

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan diyaarisay ciidamadii ugu badnaa oo loogu talagalay inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada kale ee maamul-goboleedka HirShabelle, kuwaas oo haatan la qalabeeyay, isla markaana la’isugu geeyay furimaha hore ee dagaalka.

Ciidamadan oo isugu jiro kuwa Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa Jimcihii lagu soo bandhigay degaanka Garasweyne ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay gaareen saraakiil ka tirsan ciidanka dowadda oo isku daba ridayo howlgalo ka bilaabanaya halkaasi.

Jeneraal Cabdullahi Macallin Mukhtaar oo kamid ah saraakiisha tegay halkaas ayaa fagaare kula hadlay ciidamada ay diyaarisay dowladda dhexe, wuxuuna u sheegay in haatan uu bilaabanayo gulufkii lagu xoreyn lahaa deegaannadii ugu dambeeyay ee ay qabsadeen Al-Shabaab, isla markaana ujeedka uu yahay inay ciidamada mar kale ay dib u xoreeyaan.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay inay dhaqaaqaan, isla markaana ay weeraraan meel kasto oo ay joogaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, si aysan u helin fursad kale.

“Aagga wuxuu buuxaa dhaqaaq ayaa la rabaa iyo inaan ka faa’iideysano inta uu sii jeedo cadowga, ballantaas ayaan isku ognahay” ayuu yiri Jeneraal Cabdullahi Macallin Mukhtaar.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dagaalka shuruudihiisa waxaa kamid ah midnimo, waxaa kamid ah is maqal dhaga fudeed”.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa weli ka soconayo dhaq-dhaqaaqyo culus, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka socda gobolkaasi.

Si kastaba, Magaalada Aadan Yabaal oo ay hadda ku sugan yihiin Al-Shabaab ayaa noqotay bartilmaameedka ugu weyn ee howl-gallada socda. Dowladda Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa ku howlan ka saarista Al-Shabaab magaalada iyo soo celinta amniga guud ee gobolka Shabeellada Dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News