25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

DF Soomaaliya oo garab wayn ka heshay Itoobiya kadib tallaabo ay u qaaday Gedo

Bookmark
Bookmarked

Share

Doolow (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda ka taagan gobolka Gedo oo ay weli isku hayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbland.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay wafdi culus oo isugu jiro saraakiil ka kala tirsan Xoogga dalka iyo NISA oo Arbacadii gaaray gudaha degmada Doolow, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaq culus oo durbaba saameyntiisa si weyn looga dareemay gobolka.

Saraakiisha ka baxay Muqdisho ee tegay Doolow waxaa hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), waxaana markii hore ay isku dayeen inay ka dagaan garoonka magaalada, balse waa ka hortegay ciidanka Jubbaland ee jooga halkaasi, kadibna waxa ay ku qasbanaadeen inay ka tagaan Doolow dhinaca Itoobiya.

Wafdigan saraakiisha ah ayaa intaas kadib kulamo la bilaabay ciidanka Itoobiya ee dagan degmada Doolow, waxayna kala hadleen amniga guud ee Gedo, gaar ahaan sidii la isaga kaashan lahaa nabadeynta gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha dowladda uu yahay in ciidamo dheeraad ah ay ku daabusho magaaladaas oo ay joogaan ciidanka Jubbaland iyo maamul taabacsan Axme Madoobe, taas oo mar kale soo celin karta xiisadda dagaal ee labada dhinac.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed laga dareemayaa qaybo kamid ah Gedo oo mar kale ay isku wajahayaan dowladda iyo Jubbaland.

Doolow oo hadda noqotay furinta dagaalka cusub ee labada dhinac ayaa ku taalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waana goob muhiim ah oo Itoobiya amnigeeda ka difaacato.

Arrintan ayaa u muuqata inay daba socoto safarkii dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Adis Ababa, halkaas oo uu kula soo kulmay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay ka wada-hadleen xiisadda ka taagan maamulka Jubbaland gaar ahaan xaaladda gobolka Gedo.

Si kastaba, Dhaqdhaqaaqyaday ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladdu ay maamul cusub ka dhiseyso Gedo, kaas oo haysta sharciyad, si meesha looga saaro maamulka Axmed  Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

- Advertisement -

Read more

Local News