Awdheegle (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa fal argagax leh oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka gaysteen deegaan hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay la wareegeen ciidanka dowladda.
Kooxda ayaa lasoo wariyay kahor inta aanay ka bixin aagga degmada Awdheegle in ay dab qabasadsiiyeen guud ahaan deegaanka Malable oo ka tirsan degmadaasi, waxaana khasaare ba’an uu soo gaaray dadka shacabka ah oo u badan beeraley.
Muuqaal uu baahiyay Telefishinka Qaranka ayaa lagu soo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay burburka iyo dabka ay qabadsiyeen maleeshiyaad Shabaab deegaanka oo gebi ahaan dhulka lala simay.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in la burburiyay, masaajiidka deegaanka, isaga oo falkaas ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.
“Waxa gadaasheyda ka muuqdo waa masaajidkii lagu tukan jiray cibaadada Alle, salaadda lagu oogi jiray meel walba waa u jeedaan sida uu u burbursan yahay waxaana wayeeleeyay nimankii Khawaarijta ahaa” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka ee gaaray Malable.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la gubay dalagii kasoo go’ay beeraha oo ay shacabku lahaayeen iyo gaadiidkoodii, sida uu ku sheegay wareysiga.
“Waxay gubeen raashin ay shacab soo gureen oo foostooyinkan ku jiray, waxaa kale oo ay dab qabadsiiyeen gaadiidka cagafta ee beeraha” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddii aan nahay ciidamada qalabka sida waxaan u taaganahay difaacidda naftiina, maalkiina iyo dhiigiina meel walba oo sidaan oo kale idin kuugu kor dagan yihiin waa idinka dul qaadi doonaa, mana jiri doonto cid gumeysan doonto dadkeenna”
Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab u gubeen qaybo kamid ah degmada Awdheegle oo muddo ay ka talinayeen, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

