Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa isku seegay doorashadii shalay ka dhacday xarunta baarlamaanka Soomaaliya.
Doorashadan oo lagu soo doortay xildhibaannada Soomaaliya ku metalaya baarlamaaanka bulshada bariga Afrika ayaa waxa kusoo baxay xubnihii ay wadatay Villa Somalia, iyadoo laga adkaaday xubin uu watay Lafta-gareen kadib markii uu Xasan Sheekh ka horyimid qorshaha hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.
Xubnaha loo xulay xildhibaannada ururka baarlamaaanka bulshada bariga Afrika oo dhanaa 9 xubnood, ayaa intooda badan banaanka lagaga heshiiyay, iyadoo xiisad siyaasadeed uu horseeday kursi kamid ah labada boos ee ka imaanaya Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kursiga la doonayay siyaasi dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Cabdi Nuur, waxaase uu tartan xoogan kala kulmay Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi) oo ah aqoonyahan iyo siyaasi ruug caddaa ah, sidoo kalena si toos ah ugu xiran Madaxtooyada Soomaaliya.
Laba nin ayaa isku deegaan ka soo jeeda, hase yeeshe waxaa kala watay Villa Somalia iyo Madaxtoooyada Koonfur Galbeed.
Shir kursigan dartiis Villa Somalia uga dhacay ka hor doorashada ayaa wax heshiis ah laga gaarin. Waxaana soo jeedinta Cabdicasiis Lafta-gareen diidmo kala tegay Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Xamza iyo inta badan xildhibaannada iyo wasiiradda Koonfur Galbeed ku metala dowladda dhexe.
Tartanka kursigan ayaa loo arkaa inuu bilow u yahay khilaaf labada dhinac dhex-mari kari, waxaana soo baxday in Madaxweyne Xasan uu ku saf noqday siyaasiyiinta mucaaridka ku ah Cabdicasiis Lafta-gareen ee ku jira ururkiisa JSP oo ay hoggaaminayaan Wasiir Xasan Eeleey iyo Senatorkii hore Xuseen Sheekh Maxamuuud.
Doorashadii shalay dhacday ayaa u muuqatay mid aan tartan adag lahayn, iyadoo habraaca kaliya lagu saxayay. Inta badan musharrixiinta boosaska kale ku tartamayay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad horey ugu heshiiyay cidda soo baxaysa, kuwaas oo taageero ka helayay hoggaanka sare ee dalka.
Si kastaba, doorashada xubnahan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay ku guuleysatay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.
Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka si rasmi ah u ansixiyeen bishii Nofeembar ee sanadkii hore, ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa inay soo magacowdo Wasiirka Horumarinta Bariga Afrika.

