Dowladda Soomaaliya oo go’aan culus ka qaadatay xadgudubka ITOOBIYA

Muqdishom (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan magaalada Addis Ababa ku gaareen maamulka Somaliland iyo Itoobiya, waxayna hadda qaadatay go’aan aad u culus.

Xuseen Macallin oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in dagaal lala galo Itoobiya, haddii aysan ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland, kaas oo xadudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

La-taliyaha oo wareysig gaar ah siiyay Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo looga horetgayo fulinta heshiiskaasi.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda Itoobiya oo uu ugu baaqay inay ka fiirsato waxa ka dhalan karo heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

“Waxaan raadineynaa dhammaan fursadaha diblomaasiyadeed, waxaana filayaa in Itoobiya ay soo noqon doonto maskaxdeeda, laakiin waxaan diyaar u nahay dagaal haddii Abiy Ahmed uu rabo dagaal.” ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay Wargeyska The Guardian.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa kowdii bishan heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka oo si weyn caroortay heshiiska labada dhinac ayaa soo saartay go’aanno culus, sidoo kalen waxay garab istaag buuxa ka heshay dowladdo waa weyn, sida Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Sacuudiga, Masar, intaa waxaa usii dheer ururada sida IGAD, Midowga Afrika, ururka Islaamka, ururka Carabta iyo ururka Midowga Yurub.