27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

DF oo go’aan ka qaadatay mashruuca New Deal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa go’aan rasmi ah ka qaadatay mashruuca sii dhamaanaya ee New deal loogu magac daray kaasi oo lagu go’aamiyay shirkii ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Biljimka.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan Ceynte  ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay go’aansatay inaan waqti dheeraad ah loogu darin mashruucaasi haddii uu dhamaado.

Mashruucaasi ayaa dhamaanaya  xiliga dowlada ay dhaceyso, wuxuuna Ceynte sheegay inaan lagu dari doonin sedex sano kale oo dheeraad.

Wasaarada uu wasiirka ka yahay ayuu sheegay iney dajisay qorshe lagu hagayo siyaasada dhaqaale ee dalka loogana maarmi doono mashruucaasi.

“Go’aanka markaan gaarnay ayaa ah in qandaraaska aan hadda ku jirto marka uu dhamaado inaan muddo seddex sano oo kale lagu darin New Deal, waxaan diyaarinay qorshe cusub oo qorshe qaran ah , oo aan soo bandignay dhawaan”ayu yiri Ceynte.

Mashruucaasi ayaa waxaa oogu tlo galay dhaqalo badan waxaana la gaarsiiyay gobolo badan oo dalka ku yaala mana muuqato wax la taaban kara oo aga faa’iday mashruucaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News