Garowe (Caasimada Online) – Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo si weyn u dhaliilsanaa siyaasada madaxweyne Gaas ayaa markaan u muuqdo mid kasoo dabcay dhalilihii uu u jeedin jiray Gaas iyo maamulkiisa.
Cali Xaaji oo wasiirkii waxbarashada kasoo noqday Puntland ayaa sheegay in go’aankii Gaas ee hishiiskii magaaada Garowe inuu ahaa talaabo geesinimo leh.
Wuxuu kula dardaarmay madaxweyne Gaas inuu il gaar ah ku hayo afarwaxyaabood uuna la hadlaa, isaga oo ku sheegay afartaas, siyaasiyiinta, culumada, waxgaradka iyo dadweynaha.
Gaas ayaana tv-ga Puntand shalay kala hadlay dadweynaha reer Puntland, isaga oo faahfaahin ka siiyay hishiiskii magaalada garowe.
Sidoo kale Cali Xaaji, wuxuu sheegay in Gaas looga baahan yahay inuu baarlamaanka horgeeyo hishiiska uu la galaydowlada federaalka Soomaaliya.
Lama oga waxyaabaha badalay fikradii hore uu qabay Cali Xaaji, oo habeenkii hishiiska dhacay dhaliilay Gaas kana horyimid hishiiska.
Caasimada Online
Xafiisa Garowe
[email protected]

