Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo saameyneysa xarumaha socdaalka ee Maamul-goboleedyada dalka, waxayna soo saartay amar culus oo saameynaya xarumaha socdaalka ee gobollada dalka.
Warqad kasoo baxday Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu sheegay in si KMG ah loo hakiyay adeegga bixinta fiisaha dal-ku-joogga ee gobollada, iyada oo xustay in go’aankan uu dhaqan-galayo 05 Novermber 2025 oo maalinta berri ah ku beegan.
Xarumaha Hay’adda Socdaalka ee Maamulllada ayaa horay u bixin jiray fiisaha dal-ku-jooga ee la siiya ajaaniibta, waxaana hadda la dul dhigay amarkan kasoo baxay xarunta dhexe ee Hay’adda.
Sababta waxaa lagu sheegay in sare loo qaadayo tayada adeegga, isla markaana lasoo saarayo tilmaamayaal cusub iyo habraacyo lagu hormarinayo adeegga, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo Hay’adda Socdaalku intaasi kusii dartay in shaqada adeegga fiisaha ay sii socon doonto, isla markaana laga qaadan doono xarunta dhexe ee magaalada Muqdisho.
“Haddaba go’aankan wuxuu ka dhaqan-galayaa dhammaan xarumaha socdaalka ee Laamaha Gobollada, iyadoo dhammaan fiisooyinka la xiriira dal-ku-joogga laga bixin doono xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Horay dowladda Soomaaliya ayaa usoo saartay go’aan saameeyay Maamul-goboleedyada iyo Somaliland, kadib markii ay soo kordhisay adeegga e-Visa oo qaab online ah ay kusoo dalbanayaan ajaaniibta iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kusoo laabanayo dalka.
Si kastaba, ha’ahaatee tani sii kordhineysa culeyska dhaqaale ee ay haatan la kulmayaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool ee soo laabanayo.


