Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa IGAD u dirtay waraaq ay kaga codsaneyso inay ka qeyb qaadato fududeynta dib u heshiisiinta Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug oo dhawaan lagu fashilmay isla markaasna la doonayo in dib loo soo bilaabo mar kale.
Waraaqdaan loo diray Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa ku saxiixnaa Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Keynaan waxaana la qoray taariikhda markay aheyd 27/04/2017, waxaana si sharaf leh looga codsaday inay qeyb ka qaadato fududeynta heshiiskaas la doonayo in la dhex dhigo Ahlu Sunna iyo Galmudug.
Ururka goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dowladaha bariga Afrika ayaa aqbalay codsi uga yimid dowlada federalka kaasoo ahaa inay ka qeybqaadato fududeynta wadahadalada dib u heshiisiinta ee maamul goboleedka Galmudug iyo Ahlu Sunna, waxayna ballan qaaday inay si habsami leh uga qeyb qaadan doonto arrintaan.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqdii loo diray IGAD iyo jawaabta ay ka bixisay