DF oo jawaab kulul ka bixisay warbixintii African Intelligence ee R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay qoraal lagu soo daabacay wargeyska Indian Ocean Newsletter nuqulkiisa 1455 (taariikhda 21 July 2017) sidoo kalena lagu soo daabacay Website-ka africaintelligence.com.

“Maqaalkan oo watay ciwaanka “Dowlada dhibaatooneyso oo walaac galisay reer Galbeedka” waa mid been ah oo laga dhigay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kulan Hargeysa kula qaatay diblomaasiyiin, islamarkaana loo tiriyey hadallo gef ku ah seddex ganacsadayaal Soomaali ah iyo shirkado kuwaas oo kala ah Ahmed Yusuf, Hormuud Telcom Somalia, Abdirashid Ducale Dahabshiil, iyo Mohamed Yusuf Ahmed, Salama Bank” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in kulan sidaas oo kale ah uusan dhicin, aysanna u gefin sharafka ganacsatada Soomaaliyeed.

Dowladda waxay sheegtay in aynwalaac ka qabto in maqaalkaan loola dan lahaa in lagu dhibaateeyo xiriirka ka dhaxeeyo bulshaa weynta ganacsatadayaasha ah iyo dowlada.

“Dowlada waxay xaqiijineysaa in xubnaha ganacsatayaasha Soomaaliya waligood caawin jireen dowlda dadaalada ay ku xasilineyso sidoo kalena ay sii wada doonaan inay door muhiim ah ka cayaaraan hormarinta qorshahaas” ayey tiri.

Waxa ay warbixintu Africanintelligence sheegtay in Kheyre uu cabasho ka muujiyey in shirkadaha ugu waa weyn dalka, sida kuwa xawaaladaha, bankiyada iyo isgaarsiinta ay caqabad ku yihiin dowladinimada

Sida ay tiri warbixinta, Waxa uu Kheyre u sheegay reer galbeedka in madaxda shirkadahaas ay taako u dhigayaan inay dowladda cagaheeda isku taagto, ayaga oo ka cabsi qaba in taasi ay soo kordhin karto hanaan canshuuro oo wax ku ool ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com