DF oo Jigjiga u dirtay wafdi wasiirro ah – Muxuu yahay qorshaha culus ee safarkan?

Jigjiga (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi wasiirro ah u dirtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al/Cadaala iyo Wasiir ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta Cabdiwahaab Cumar ayaa hoggaaminaya wagdiga gaaray magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida Itoobiya.

Halkaas waxaa lagu qabanayaa munaasabado lagu xusayo Xeerka Bulshada Ciisaha oo dhowaan helay aqoonsi caalami ah.

Waa Xeer u gaar ah Beesha Ciise ee Dir, Ciisaha ayaa dega dalka Jabuuti, waxaana ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale Beesha Ciise ayaa degta qeybo badan oo kamid ah gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xeerka Beesha Ciise waxaa si wadajir ah u aqoonsaday dawladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Jabuuti.

Sidoo kale Xeerka Bulshada Ciise waxaa aqoonsatay Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey, wuxuuna kamid noqday xeerarka laga tixgeliyo qeybo kamid ah caalamka.

Munaasabado lagu waynaynayo Xeerkaan oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin ka kala socda dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ethiopia ayaa lagu qabanayaa magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhaba ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.