DFS oo joojisay duulimaadyadii Somaliland..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeelgaara u joojisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Hargeysa kadib warqad ka soo baxdey xafiiska Agaasimaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow oo lagu caddeeyay in Dowladda Federaalku si ku-meelgaar ah u joonineyso dhamaan duulimaadyadii u dhexeeyey Muqdisho iyo Hargeysa.

Warqadda ka soo baxdey xafiiska Gen. Gaafow ayaa amar lagu siinayaa shirkadaha Duulimaadyadu in ay muddo 21 cisho ah gudahood ku joojiyaan dhamaan duulimaadyadaas, taas oo ka bilameysa 22/02/2016.

Sababta go’aankan ayaa daba socota go’aamo ka soo baxay Somaliland, kaas oo la xiriira in dadka lagu khasbaayo in ay goostaan warqad la yiraahdo Go Home, lacag dheeraad ahna laga qaadayo, sida lagu sheegay amarka ka soo baxay Gaafow.

Somaliland ayaa dadka ka soo jeeda gobolada Konfureed ee Soomaaliya ku amartey in ay qaataan Visa ama oggolaansho si ay ugu noolaadaan gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).

gaafow